Calendar

Mahiga oo afka kala furtay shegayna in Ra’iisal wasaaruhu isagaa u ku qanacsanaa is-casilaadiisa

mahiga1Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa u sheegay idaacadda BBC inuu Warbaahinta ka maqlay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku diiday inuu isku casilo.

Mahiga ayaa wareysiga BBC waxa uu ku sheegay in Raíisul Wasaare Farmaajo uu qeyb kulahaa inuu saxiixo hishiiskii Kampala,laakiin uusan qalinka ku duugin,inkastoo hadana uu ogolaaday buu yiri Mahiga inuu iscasilo mudo ku siman laba isbuuc.

” Waxaa uu ku laha hishiiska meel dhan oo loo baneeyey,balse ma uusan saxiixin,waxa uu markaasi inoo sheegay inuu ogolaaday hishiiksa Kampala isagana uu yahay nin qowl leh oo meel marinaya hishiiska lagu gaaray kampala,laakiin hada waxaan maqlayaa warar aan faahfaahin rasmiya laheyn,kuwaasi oo ay warbaahintu baahineyso”ayuu yiri Danjire Mahiga.

Mahiga ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in hishiiskii Kampala la marinayo nidaam kale,kaasi oo uu ula jeeday in loo gudbiniyey baarlamaanka,waxaana uu sheegay inaysan taasi meesha ku jirin oo ay tahay mid ka baxsan hishiiska oo dhan,isagoona sheegay inay telefoon kuwada hadleen Raíisul Wasaare Farmaajo.

“Maanta ayaan wacay  Farmaajo,waxa uu iiga waramay xaalka Muqdisho iyo guud ahaan Somaliya,mana ii sheegin wax kale oo dhibaato ah oo jirta,waxaan ka sugayey runtii inuu hadalka hishiiska Kampala iyo waxa kasoo noqday inoo bilaabo,laakiin ma uusan igu soo hadal qaadin” ayuu yiri Mr,Mahiga.

Waxaase uu sheegay inuu Raíisul wasaaraha ula muuqday nin ku qanacsan oo wali taageersan hishiiskii Kampala,iyadoo dhinaca kale uu raaciyey inay ka Qaramada Midoobay ahaan taageersan yihiin hishiiska Kampala oo ay u arkaan inuu yahay mid xal u keenaya khilaafka mudo oo jirey ee  u dhexeeya madaxda Dowlada  uu hada rajada kusoo celiyey Farmaajo.

Mahiga ayaa wareysiga uu  bixiyey uga digay xaalka siyaasada inuu sii xumeeyo Raíisul Wasaare Farmaajo,,waxaana uu sheegay inay taasi imaaneyso in haddii uusan deg deg xilka uga degin Farmaajo,Laakiin taasi ma muuqato,kadib markii uu Raíisul Wasaare Farmaajo sheegay inuu hishiiska Kampala u gudbiyey baarlamaanka Somaliya si ay goáan uga gaaraan aayaha Xukuumadiisa inay soo shaqeyso iyo in kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisaha ka taagan siyasada Hishiiska Kampala kala soco www.bartamaha.com

Sayid Ali ” Caseyr Kabootooy”

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: