read more »">
Calendar

Guddomiyaha cusub ee G. Banaadir oo maanta xilka la wareegay (sawirro)

Muqdisho_ Waxaa maanta si toosa xilka ula wareegay guddomiyaha Cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Munasaabada uu xilka kula wareegayay ayaa waxaa kasoo qaybgalay guddomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Wasiirka Arrimaha gudaha iy Federaalka C/llaahi Goodax Barre, iyo mas’uuliyiin kale.

Munasabada ayaa intii ay socotay waxaa khudbado kasoo jeediyay masuuliyinti ka qaybgashay, waxayna amaan ujeediyeen guddomiyihii hore oo ay ku tilmaamen masuul waxbadan kasoo qabtay gobalka banadir.

Kooxda Fanaaniinta Hobolada Waabari ayaa munaasabada ka qaaday suugaan kale duwan, iyadoo munaasabada si toos ah looga tabinayay Idaacadaha muqdisho.

Guddomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa balan qaaday inuu horay usii wadi doono hawshii uu soo bilaabay masuulkii kahoreyay Tarzan.

Guddomiyaha ayaa ka codsaday bulshada kunool magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan maamulkiisa, si guul looga gaaro hormarka magaalada iyo guud ahaan gobalka Banaadir.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxaamud lagusoo magacabay Col. Muungaab.

xilwareejinta_mungaab_1 xilwareejinta_mungaab_2 xilwareejinta_mungaab_3 xilwareejinta_mungaab_4 xilwareejinta_mungaab_5 xilwareejinta_mungaab_6 xilwareejinta_mungaab_7 xilwareejinta_mungaab_8 xilwareejinta_mungaab_9 xilwareejinta_mungaab_10 xilwareejinta_mungaab_11 xilwareejinta_mungaab_12 xilwareejinta_mungaab_13 xilwareejinta_mungaab_14 xilwareejinta_mungaab_15 xilwareejinta_mungaab_19 xilwareejinta_mungaab_21 xilwareejinta_mungaab_22

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: