Calendar

Nicholas Kay oo ka hadlay Shirarka Dowlad dhisidda ku saabsan ee ka socda Baydhabo

Ergaygga-Gaarka ah ee Xoghayah-Guud ee Qaramadda Middoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay  ayaa si hoose  ula socda  arrimaha ka dhacaya Baydhabo aarimahaas oo ay  ku jiraan  natiijada maanta ka soo baxday Shirka Baydhabo.

Sdoo  kalena waxaan arkay jawaabta ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku aadan shirkaas.

“Waxaan oogu baaqayaa dhammnan dhinacyadda ay arrinta khusayso in ay si wayn taxadir ooga muujiyaan ficil kasta oo wax u dhimi kara Nabadda “ ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah Kay. “

“ Sanaddan, waxaa aad muhiim u ah siddii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah uuna ka hirgaly Nidaamka Federaalka. Dalka waxaa uu xal u helay caqabaddo faraban oo dhowaan dhacay asaga oo adeegsanaya habka wada hadalka iyo isu tanaasulka ku dhisan”

“ Waxaan ku dhiiri gelinayaa oday dhaqmeedyadda, Siyaasiyiinta, iyo dhammaan daka ay arrinta khusayso in  ay si dhab ah u wadaan habka wada hadalka siyaasadeed ku dhisan ee loo wada dhanyahay kuna qotoma xurmeeynta Dastuurka ku-meelgaarka, iyo Heshiisyadda jiraba.” Ayuu ku daray Ergaygga gaarka ah.

“ Qaramadda Middobay waxay sii wadi doontaa taageeridda ay u hayso dadaaladda  ay sii waddo Dowladda Federaalaka ah ee Soomaaliyeed, kuna aadan dib uheshiisiinta”.

“ Xaaladda ka jirta Bayshabo  waxay  aad u ifisay baahidda deg-dega ah ee  loo qabo in Dowladda Federaalka  Soomaaliyeed ay dedejiso  shaqadeedda ku aadan  habka dhowlad-dhisidda Soomaaliya, waana in uu noqdaa  hab loo wadda dhanyahy, oo ay ku jirto  in la dhigo  qorsho howleed tafa-tiran, hadana wakhtiyaysan, kuna aadan  samaynta Dowlad Goboleedyadda,  dhamaystirka Dastuurka, Sidoo kale Dimoqoraadiyeynta dalka marka la gaaro sanadda 2016” ayuu yir Ergaygga Gaarka ah.

Ergaygga Gaarka ah waxa uu sii wadi doonaa arrimahan muhiimka ah asaga oo la kaashan doona  saxiibadda Caalamka ama Jaalayaasha caalamka sida AMISOM, IGAD,  iyo EU da.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: