Calendar

Haweeney is-qarxin rabtey oo lagu qabtey Kismaayo

Haweeney xirneed suun ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa saakay lagu qabtey xarunta jaamacada Kismaayo.

Haweeneyda waxa ay doonaysay iney gudaha usii gasho gudaha jaamacada halkaas uu ka dhacayo shirka maamul u dhisida Jubbaland.

Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa us heegay warbaabahinta iney ciidamada ay ku guuleysteen iney ka hortagaan weerarka ay haweeney-da damacsaneed, waxana uu sheegay iney hada xabsiga ku hayaan oo xukun dil ah ay ku fulin doonaan.

Weerarka Garoonka

Dhanka kalane weerar ayaa lala eegtey garoonka diyaaradaha ee magalada Kismaayo halkaas oo ay soo weerareen kooxo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabaab.

Madaafiic dhowr ah oo ay Al Shabaab kusoo rideen garoonka ayaa waxa ay ku dhaceen goob cafimaad halka mid kalane uu kudhacay gigida ay duyuuradaha ku ordaan marka ay gaca dhigtaan dhulka, ilaa hadane lama soo sheegin khasaaraha bin’aadan ee ka dhashey.

Sidoo kale waxa la soo sheegayaa in ciidamada ku sugan garoonka ay madaafiic ay ku jawaabayeen ay ridayeen, kaas oo dhinacyo badan ku dhacayay.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: