Calendar

Hay’adda HRW oo ku eedeysay AMISOM inay Soomaaliya ka geystaan xad-gudubyo xaga jinsiga

HRW SOMALIA

Muqdisho (BARTAMAHA)  Hay’adda Xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa shaacisay warbixin ku saabsan tacadiyo dhanka galmada ah oo ciidamada Midowga Afrika ay u geysteen haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Warbixintan oo ka kooban 71 bog ayaa cinwaan looga dhigay “Sida ay raggani nooga awood badan yihiin.” Waxa ayna HRW sheegtay in ay wareysi la yeelatay 21 dumar ah oo ay ku jiraan gabdho, kuwaasi oo ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya joogo ay kufsadeen isla markaana ay u geysteen tacaddiyo dhanka galmada tan iyo sanadkii 2013.

Warbixinta ayaa ka sheekeynaysa wax lagu tilmaamay tacaddiyo dhanka galmada ah oo ay geysteen askar ka tirsan labada saldhig ee ku yaala magaalada Muqdisho, ee ay deggan yihiin ciidamada Midowga Afrika.

Hay’adda ayaa ku eedeeneesa madaxda Midowga Africa iyo AMISOM qaabka ay utaageeraan falalka guracan ee ay ciidamada AMISOM kula kacaan haweenka Soomaalida ah, ee kaalmada uraadsada iyadoo taasi HRW ay wal-wal kamuujisay.

Askarta warbixintu ay soo qaadaneeso ee lagu eedeeyay in ay dhibaateeyeen haweenka Soomaalida ayaa ah kuwa kasoo jeeda dalalka Burundi iyo Uganda oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ee Somalia,waxana hay’adu ay codsaneesa in Gudi madax banaan loosaaro arintan oo baaritaan kusameeya.

“Ciidamada AMISOM waxay isticmaalaan rag Somali ah oo dumarka usheega waxay kadoonayaan si ay gabdhaha da’da yar ee somalida ah ay ugu galmoodaan iyagoo qaab bini aadanimo umaraya” ayaa lagu yiri warbixinta HRW kasoo baxday.

AMISOM waa been abuur warbixinta HRW

Warbixintan waxaa markiiba ka horyimid oo beeniyey howlgalka AMISOM,kuwaas oo been abuur ku sheegay.

Hadal uu warbaahinta siiyey ,Cornel Ali Aden Xumed ayuu ku sheegay in arrintani aysan aheen waajibaadka AMISOM ay ujoogto Soomaaliya balse waxa uu qeexay in AMISOM aysan caburineenin cid walba oo wax kasheegta sida uu yiri.

Warbixintan ayaa ka dhigaysa markii ugu horreeysay oo AMISOM lugu eedeeyo inay dhibaato u gaystan gabdhaha Soomaaliyeed,walow ay beeniyeen.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: