Calendar

hoggaamiyeyaal qaranba mise horjoogeyaal burcad ?

laba shariif

Shariif Xasan wuxuu daaqada kala baxay  ra’íisulwasarihii dalka iyo dadkuba mahadiyaan labaatan sano oo an dalka lagu arkin hoggaamiye laftiisa la dalooliyo. Wuxuu dhinac maray barlamaankii asaga iyo saaxibadi ku soo dhisteen Kenya iyo Jibuti iyo wax kasta oo ay dadka somaliyeed ugu sheegen sharci iyo dastuur. Hawsha wuxuu fuliyey Ethiopia, Mahiga iyo mafiyada caalamiga ah.

Shariif kale wuxuu caddaan u u sheegay in  la habboonaatay in dan somaliyeed  iyo ra’iisulwasaaba u huro mar haddii u soo hoyistey sannad ku shaqaysi koofida madaxtooyo. Wuxuu ku sheegay dadweynihii soo bannaanbaxay ayagoo ka xun eryida ra’iisulwasaaraha dhuuni raac lacag lagu soo abaabulay waana u goodiyey. Marna maankiisa damacu indhotiray ma soo galin in dadkaanu yahay isla kii asaga la eryey  2006dii kuwii isku magacaabay argagixiso la dirirka  ee asaga iyo saaxiibadi ugaarsanayey. Manta dadkaasi waxay noqdeen wax ma garad lacag lagu soo kiciyey lakiin maalintaa waxay ahaayeen xaq-u -dirir diidan dulmigii ay waday argagixiso- la. dirir. maanta Shariif waxaa la safan reer argagiso la dirir oo wadaniyiin noqday shacbigiina wuxuu noqday daalinkii ama ugu yaraan wax ma garad an fahmi Karin in kursi ku sii Sh. Axmed ka muhimsan yahay qaran iyo ra’iisul was are labadaba.!!!!!

Ilaa waqti dhaw shacbiga somaliyeed badanki wuxuu doorbidayey  in u shariif  Axmed u arko qof haba karti yaraadee an daacadnimo ka marnayn oo usan marnaba ahayn sida Sakiin oo mar hore si an gabasho lahayn uga jaqaafiyey xerada somalinimada.

Mowqifkii Kampala ee 9kii juun shariif wuxuu ku khasbay in u la soo baxo wajigiisii dhabta ahaa oo ah khiyaamo wadan iyo danaysi raqiis ah.

Shariif Axmed oo sii haya jidka ka jaqaafinta somalinimada iyo sii quusida khiyaamada ,  ayaamaanta wuxuu  ooda ka qaaday  burcadii  hawlaha maafiyada waday ee dayaarada iyo lacagta  sharci darrada ee mafiyada hawlaheeda lagu fulinayey kala soo degey  gegida xamar. Tirada dayaaradaha iyo dadka shaqada mafiya wadey waxay muujinaysaa kalsoonida burcada caalamigu ku qabtey in somaliya wax kasta laga dhex fulin karo. Cafi-ku-sheega  shariif axmed aragtidaas yuu si rasmi ah u xalaaleyey. Meelna cafiskaasi  kama soo galo dano somaliyeed.

Awooda Sharrif u isticmaalay siidaynta dambiileyaalkaa ma aha xata mid ay ku dhiiraan karaan boqorrada iyo dictator-rada carbeed ee ad moodo in dalalka iyo dadkooba ay leeyihiin, iska dhaaf mid madaxweyne sheeganaya in u dad wakiil ka yahay.

Waa kibir doqonimo la ciirciiraya

waa ku takrifal awoodeed oo an sharci meel ka soo galin waayo sharci kasta oo dal leeyahay wuxuu ku fadhiyaa danta iyo doonitaanka shacbiga dalka.

Waa ku casumaad burcaddacaalamka oo idil in somaliya si nabad ah ay uga fushan karto wax allale wixii ay  doonto.

Waa baaq waqaf ka dhig dalka somaliyeed .

waa is-mogeysiin dareenka dadka somaliyeed ee doonayey in ciqaab tusaale noqota la siiyo burcadan sii loo fogeeyo((deterrent measure) kuwa saas oo kale ku talo jira. Shariif sidii Somali jeclayd ma yeeline wuxuu ficlan u ballan qaaday burcada caalamiga xasaanad abadi ah(permanent immunity).

Waa cay, niyad jabin  iyo canaan xaq darro ah  oo loo geestey muwaadiniintii(ciidan iyo raaciye ) soo qabtay burcada diyaaradaha wadatay iyo maxkamadiiba.

Ka saari mayso dambigan shariif in u yiraahdo dalalbaa cadaadis I saaray waayo ma u sheegi karo mana jiro dal ku dacwiyi karaa anaa u fasaxay  muwaadiniintayda in ay somaliya uga edeegtaan say doonaan ayadoon wax sharciyihi qabanayn.maafiyada unbaa sharci darrodan oo kale wax  ku samaysa waxna isku dhaafsata.waa yaabe Shariifka ma kaabaa qabtay?  shacbiga somaliyeed wuxuu sharif Axmed ka dhawrayaa jawaab waxa ku jirrabay in u sii daayo qawlaysatadii diyaaradaha.

Shariif-ku  magaca shacbiga somaliyeed kuma cafin burcadaas dambigoodii  iyo kuwa kale ee u jidka u furayna asaga u qoolan.

Somaliyey ha la joojiyo burcadaynta madax- ku-sheega, miyaasqka qiimaynta dhacdooyinkana ha laga dhigto danta somaliyeed. Yaan loo difaacin mujrimiinta waa cidayada.  Miqyaas (standard ) haddaan laga dhigan danta guud calaal an wax tarayn iyo halaag sina ku seegi meeyno.

Somali, xal waxaad dhibaatooyinkaaga u heli oo kali ah markaad afkaaga, gacantaada iyo qalbigaaga is-waafajisid.

Cabas C. Cabdullahi:  [email protected]


Afeef:- qoraalkani waxa uu u gaar yahay qoraha ku saxiixan.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: