Calendar

xisbiga nabadda iyo horumarka oo xusay 26 june iyo iney shacabka ka shaqeynta midnimada Somalia.

xisbiga

Gudoomiha Ururka xisbiga nabadda iyo horumarka oo ka hadlay xaflad ay soo qaban qaabiyeen Ururkooda oo ka dhacday magaalada muqdisho laguna xusaayay munaasabada 26 june ayaa sheegay in shacabka somaaliyed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan soo nooleynta Midnimada Somalia.

Xasan Sheikh Maxamuud oo ah gudoomiyaha xisbiga nabada iyo huromarka oo Gabo gabadii Xafladaas ayaa mahad u jeediyay dadkii usoo halgamay xoriyada dalka.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xasan sheikh gudoomiyaha xisbiga iney qalad tahay kala qeybinta Dalka iyo shacabka isagao carabka ku adkeeyay in jiritaanka iyo sharafka la dhooro

Gudoomiyaha xisbiga nabada iyo horumarka ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay dhamaan Shacabka somaliyeed inay ka shaqeeyaan Horumarka iyo Midnibada somalia.

Hadalkaan gudoomiyaha xisbiga nabadda iyo horumarka xasan sheikh ayaa ku soo aadaya xili Maalintii shalay si weyn loga dabaldagay xuska 26 june oo si weyn loga dabaal dagay qeybo ka Mid ah gobalada dalkeyna gar ahaan magaalda muqdisho ee qeybo badan laga xusay.
xafiiska wararka bartamaha: muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: