read more »">
Calendar

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaaz,

3

Kadib kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanadii ugu badnaa ee soo Xaadira kulanka Barlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka oo ahaa kii u horeeyay ee ay yeeshaan Xildhibaanada tan iyo bishii Febraayo ayaa waxaa ka Soo qeyb galay (afar boqol afartan iyo seddex)443 Mudane iyadoo kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka oo uu shir GudoominayayAfayeenka  Shariif Xasan uu madasha ka sheegay ajandaha shirka inuu yahay ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Gaaz ayaa ku Sugnaa,ugu horey waxaa qudbad dhinacyo badan taabaneyso ka soo jeediyay madaxweynaha soomaaliya sheikh Shariif oo sheegay in doonaayo sidii loo ansixilahaa r/wasaaraha cusub oo soo maga caabay dhawaan markii uu Xilkaas ka dagay mudane farmaajo uu gartay inuu boskaas buuxinkaro dr c/wali max,ed cali in codka kalsoonida la Siiyo maanta.
Intaa kadib ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa lagu wargeliyay inay gacan taag ku ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana 437-cod lagu ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha, halka ay diiday afar, Labane ay ka aamustay, Sidaasna uu kaga dhawaaqayAfayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan in Ra’iisul Wasaaraha uu ansax ku yahay muddo 30-cisho gudahood laga sugayo inuu soo dhiso Xukuumad.

Intaas kadib waxaa la guda galay dhariinta r/wasaare c/wali max,ed cali oo kutaabka qu,aanka gacanta saray ayaa Magaca alle ku dhaartay inuu xilka loo dhiibay uu u gudan doono si danta dadka dalka iyo diinta ku jirto u gudan Doono xilka loo dhiibay isla markaasna maanta cod aqlabiyad leh lugu ansixiyay.

Kulanka maanta ayaa soo xaadirtay 443 mudane halkaasna ay ku ansixiyeen r/wasaare c/wali max,ed cali gaas Xildhibaanada ayaa ka midisnaa ansixintaas in mudaha waxaa hakad ku jiray hoolihi barlamanka uu u haayay Shacabka soomaaliyed mudadaas oo  dhan 4 bilood wax kulan ah ma qabsoomin.

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: