Calendar

“ISIS waa dhiig-yacabyo cusub” — Feysal Cali Waraabe

faysal cali waraabeGuddoomiyaha xisbiga UCID ee Hargeysa ayaa u sheegay weriye ka socda toddobaadlaha New Yorker in kooxda ISIS, oo qabsatay qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Siiriya, ay hadda yihiin dhiigya-cabyo cuscusub”.

Feysal ayaa weriyaha tusay fiidiyow muujinaya inankiisa oo faras saaran . “ Inankaygu wuxuu hadda ku nool yahay magaalada Raqa, Siiriya” ayuu Feysal yidhi.

Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa inanka Feysal, oo loo bixiyay Abuu Shucayb, oo isagoo ku hadlaya af Fiinish leh “ xukunka shareecadu wuu soo gaadhi doonaa Finland, haddii laguu yeedhana, Alxamdulillaah, waxaad geli doontaa jannada”

Kooxda uu ka tirsan yahay inanka Feysal Cali Waraabe waa kooxda gowracday James Foley oo ahaa weriye dhalashadiisu ahayd Maraykan.

Halkan ka aqriso warbixinta New Yorker:

http://www.newyorker.com/news/news-desk/men-killed-james-foley

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: