Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Turkiga (Sawirro)

Muqdisho (BARTAMAHA) Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan xafladda caleemo saarka loo sameynayo madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga uu hoggaaminayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana Wafdiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka ah Madaxda lagu casuumay ka qeyb galka munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo dhawaan ku guuleystay doorasho Madaxtinimo oo dalka Turkiga ka dhacday, iyadoo maalinta berrito ah lagu wado in uu si rasmi ah ula wareego xilka Madaxtinimada dalkaasi.

Tan iyo markii uu Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee dalkaasi ayaa waxaa Muqdisho lagu qabto kulamo kala duwan oo lagu taageerayay Mr Erdogan oo kaalin weyn ka qaatay u gurmashada shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii sanadkii 2011-ka uu booqasho taariikhi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

turkey 2 turkey 3 turkey 4 turkey 1

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: