Calendar

Kooxo Hubaysan ayaa Maanta dil u gestay Agaasmihii Idaacada Shabeele Mukhtaar Maxmed Hiraabe iyadoo weerarkaasi lagu dhaawacay Wariye Axmed Cumar Xaashi (Taajir)

 xabad-dhowrka4Bartmaha(Mudqisho):-kooxo ilaa haatan aan la bargaran ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku toogtay Allaha u naxriistee  Agaasimihii Idaacada Shabeele  Mukhtaar Maxmed Hiraabe iyadoo ay dhaawac u gesyteen Wariye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir).

Rgga dilka gaystay ayaa la xaqiijiyay in ay ku hubaysnaayeen Bastoolado kuwaasi oo  gudaha Suuqa Bakaaraha meel aan ka dheereen Xarunta Idaacada Shabeele ku toogtay Allaha u Naxriistii Mukhtaar Maxmed Hiraabe oo ahaa xiligan agaasimihii idaacada iyo TV-ga Shabeele.

Xiliga dilka uu dhacayay ayaa waxaa la socday agaasimha Madaxa Xayeysiinta Idaacada Shabeele Wariye Axmed Cumar Xaashi Axmed Taajir kaasi oo uu dhaawac haliska ah ka soo gaaray weerarka qorsheysnaa ee barqanimadii manta lagu dilay Agaasimaha Shabeele.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa xaaladeeda aad ay u kacsanayd iyadoo ay ku soo xoomeen maydka Mukhtaar Hiraabe shacabka deegaankaasi iyo Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo bargartay isla markaasina ka soo qaaday goobta lagu dialay iyadoo ay goobtaasi sidoo kale ku ilmaynayeen dhammaan Asxaabtiisii Suxufiyiinta Muqdisho kuwaasi oo si weyn uga naxay dilkan.

Waa dilkii Labaad oo bareer ah kaasi oo gudaha suuqa bakaaraha sanadan oo kaliya loogu gaystay agaasimihii labaad ee Idaacad Fm ah oo magaalada ka shaqeysa taasi oo xadgudub muuqda ku ah Xuriyada Saxaafada.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Mudqihso-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: