Calendar

Qarax Qasaara Dhimasho iyo Dhaawac leh Sababay oo maanta ka dhacay Wadada Nasii-Buundo Degmada Shibis Ee Muqdisho.

 

qaraxBartmaha (Mudqisho):- Qaraxan oo ahaa miinada Nuuca Rumuud laga hago ayaa Saaka aroortii hore waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen Dhalinyaro can ka ah Degamada Shibis kuwaasi oo uu ku jiray Immaamki Masjidka Rowdo Ee Degmada Shibis.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Illaa Saddex ruux oo rayid ahaa kuwaasi oo ka koobnaa Macalin Maxmed oo ahaa Immaamka Masjidka Rowda Ee Degmada Shibis iyo darawlka gaariga oo lagu magacaabi jiray Jimcaale Dhicisow iyo ruux kale oo gaariga la saarnaa iyadoo dhaawac ahaan loo qaaday mid ka mida holwadeenada Caafimaadka Isbitaalka Keydsaney oo ahaa C/Qaadir Xooga kaasi oo ku dhaawacmay qaraxa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay marayeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya oo watay gaadiid dagaal kuwaasi oo barbar socda gaarigan  miinadu ay haleeshay.

Xaalada deegaanka shibis ayaa ahayd maanta mid aad u kacsan iyadoo goobta miinada Rayidka dhamaysay ay soo gaareen ciidamada dowlada Fd soomaaliya kuwaasi oo rasaas jiha waliba u furay si ay u kala eryaan dadweynihii ku soo xoomay Gaariga qarxay.

Waa qarxii labaad ee Todobaadkan gudihiisa ka dhaca Degamada Shibis gaar ahaa wadada Nasii-Buundo halkaai oo ay ku dhaqdhaqaaqaan ciidamada dowlada Fd soomaaliya eek u jira dagaalada ka socda qeyba ka mida degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Mudqihso-Somalia

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: