Calendar

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Baaq ku wajahan dayactirka Wadooyinka Magaalada Muqdisho u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee Yurub Iyo Maraykanka.

dhagaxtuurBartamaha(Muqdisho):-Maxmed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa Muqdisho ayaa maanta waxa uu Codsi u diray jaaliyadaha soomaaliyeed ee ka damqanaya BurBurka dalkooda isago oo si weyn kaga digay in caasimada Muqdisho laga waayo Wadda Laami ah oo cagta la mariyo.

 

Maxmed Cismaan Cali  Dhagaxtuur ayaa manta waxa uu cara buuxin ku sameeyay maamulkiisa gobo biya fariidi noqday iyo wadooyin go’ay oo ku yaala Isgoyska KM.4 Ee Muqdisho iyo wadadii aadaysay garoonka Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxmed Cismaan Dhagaxtuur ayaa waxa uu jeediyay Baaq uu u diray jaaliyadaha soomaliyeed isagoo u qoondeeyay qaabka iyo shaxda Muqdisho wadooyinkooda Dib loogu dayactiri karo.

 

Maamulka ayaa fariintiisu waxa ay u qornayd sidan:-

 

* Wadada ka bilaabata Fiat ee aada xagga isgoyska  Ex-Control Balcad ayaa dusha laga saaray in ay dhisaan jaaliyada soomaaliyeed ee dagan  Italy.

 

*Laga bilaabo wadada isgoyska No.4 ee marta Garoonka Muqdisho ilaa Deegaanka ayaa loo xilsaaray in ay dhisaan Jaaliyada soomaalida Ee ku dhaqan dalka Sweden.

 

*Wadada Makka Almukarama Illaa Isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa waxa loo xilsaaray in ay dayactir ku sameeyaan Jaaliyada Soomaalida Britain

 

 

*Wadada Wadnaha ee ka bilaabata Isgoyska Sanca Illaa Isgoyska Isbitaalka Banaadir waxa uu ka codsaday Maamulka Gobolka Banaadir in ay dayactiraan Ummada soomaaliyeed eek u nool  Dalka Maraykanka.

 

*Wadada ka kacda  Ex.Barlabanka ee hormarta Dekedda Muqdisho Kana gasha No.4ka jahada Avesyooni ayaa waxaa loo xilsaaray in ay wax ka qabtaan Jaaliyada Soomaalida Finland.

 

Dalabka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid ka dib markii magaalada Muqdisho wadooyinkii ku yaalay ay inta badan ay waxyeeleeyeen dagaaladii dalka ka dhacay iyo Roobabka mahiigaanka ah ee Biya dhiga wadooyinka kuwaasi oo ay ka xermeen goobihii Biya mareenyada ahaa.

 

 

Shaxda dalabka jaaliyadaha soomaaliyeed ku wajahan oo ay maanta magaalada Muqdisho ka soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada Muqdisho ayaanan la ogayn sida ay kaga soo jawaabi doonaan jaaliyadaha soomaalida ee inta badan uu ku wajahnaa dalabka dib u dhisaka Isha dalka dalka soomaaliya .

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: