Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee kismaayo oo Maanta Goob Fagaro ah ku gubay Dawooyin dhacay.

 

Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo ayaa Maanta dawooyin dhacay waxa uu ku gubay agagaarka Madaxtooyada Magaalada Kismayo oo ah Meel ka durugsan Magaalada Kismaayo, Maamulka ayaa gubitaanka Dawadani waxa ay u aaneeyeen kagadaal markii ay sheegeen in ay tahay mid dhacday iyo weliba qaar tayadooda ay liidato oo ay suurto gal tahay in hadii ay dadku isticmaalaan ay kala kulmi karaan Dhibaatooyin Caafimaad Darro.

 

Cadadka Dawadaan ayaa waxa ay u dhexeysaa 55 ilaa 60 kartoon oo isugu jira dawada noocyadeeda kala duwan, sidoo kale maamulka ayaa waxa ay sheegeen in arinkaan ay sii wadi doonaan inta  ay jiraan dad ka ganacsada dawada ceynkaan oo kale ah.

 

waxayna sheegeen in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dhamaan dadka lagu qabtay dawooyinkan dhacay, hase yeeshee kuxigeenka warfaafinta Maamulka Kismaayo C/fitaax Ibraahim Cali oo la hadlay warfidiyeenada gobolka J/hoose ayaa waxa uu shegay in dawadaan haatan ay gubeen aanay ku soo qaban howgallo militari balse dadku markii dawadaan waqtigeedii ka dhacay ay si nabad gelyo ah ugu soo simeen xafiiska Fayadhowrka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo, wuxuuna intaa ku daray in haatan ay qaadayaan howlgallo ka dhan ah amuurahaasi.

 

Sikastaba ha ahaatee Arintaan ayaa la filayaa in ay wax weyn ka badali doonto xaalada Caafimaad darro ee laga qaadi jiray inta badan dawooyinka dhacay oo ay dadku isticmaali jireen, waana markii ugu horeysay oo uu maamulku gubo Dawooyin dhacay.,Balse waxa uu maamulku horay ugubay Raashin ay tayadiisu ayan wanagsanayn oo uu soo qabtay Maamulka.

 

 

 

 

 

Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: