Calendar

Afhahayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah ee dowlada Fd raacsan ayaa si kulul u beeniyay Ciidamo la sheegay shalay in ay goosteen kooxdooda.

sheekh-qeylowBartamaha(Muqdisho):-Maxkamadaha islaamiga ah ee dowlada Fd soomaaliya ku biiray ayaa waxa ay si kulul u beeniyeen Ciidamo shalay Muqdisho lagu soo bandhigay kuwaasi oo ku biiray Koozda Xizbul Islaam.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada Maxkamadaha ee haatan la shaqeeya dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin ciidamadii shalay la sheegay in ay ka goosteen kooxdooda.

 

C/risaaq Qeylow oo ah sii haya afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin ciidamada la soo bandhigay ee dhankooda ka goostay taasi oo uu ku tilmaamay dhoola tus been abuur ah.

 

Qeylow ayaa  sheegay in ay ciidamada maxkamadaha dowlada la shaqeeya ay tira koobanyihiin isla mar’ahaantaana aanay waxba ka jirin ciidamo dhankooda ka tagay .

 

Hadalkan beeninta ah ee ka soo baxay mid ka mida saraakiisha Ciidamada maxkamadaha dowlada ku biiray ayaa ku soo aadaya xilli shalay kooxda Xizbul Islaam ay soo bandhigtay Ciidamo ka tagay kuwa maxkamadaha kuwaasi oo gaaray saldhiga yaaqshiid Ee Muqdosho.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: