Calendar

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo Dalka Ethiopia u Dhoofay.

Faroole1

Bartamaha (Garawe):Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta u dhoofay dalka Ethiopia iyadoo aanan la shaacin sababta ka danbeeysa in ay Safar ku aadan dalka Ethiopia xilli dagaalo u dhaxeeya Maamul-ka Somaliland iyo SCC u socdo.

Wefdiga Madaxweynaha oo ay ku weheliyaan Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale iyo Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa la filayaa inta ay ku suganyihiin Adis Ababa in ay la kulmi doonaan Madax ka tirsan Beesha Caalamka iyo Dowladda Ethiopia.

Dhinaca kale warar qaar ayaa sheegaaya in Madaxweynaha uu tegi doono dalka Talyaaniga halkaas oo la tilmaamay in casuumad rasmi ah uu ka helay.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: