Calendar

Madaxweynaha oo dhul siiyay dowlada Ingiriiska

(Mogadishu, Somalia, November 21, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxmuud ayaa ku soo dhaweeyey xarunta  Villa Soomaalia wafdi ka socday United Kingdom (UK) kuna wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Safaaradooda cusub.

Wafdigaas ayaa waxaa horkacayay SafiirkaUKu qaabilsan Soomaliya mudane Matt Baugh. waxeeyna aad ugu farxeen in lagu wareejiyay dhulkii ay ka Furan lahayeen Safaradooda ku taala Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii  Villa Soomaaliya  lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub eeAustraliausoo magacawday Soomaaliya, waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah Soomaaliya.

Sidoo kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh  Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka in ay dowladda soo dhaweyneyso dalkasta ee doonaya in xiriir caalami ah lasamaysto dalkeena Soomaaliya oo hada nabadii dib loo yagleelay.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Villa,Somalia, Muqdisho

[email protected]

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: