Calendar

Shirar amaanka oo ka dhacayo Muqdisho

Shirar dhowr ah oo looga hadlayay sidii loo sugi lahaa amaanka goobaha ay dowlada gacanta ku hayso ayaa ka dhacay magalada Muqdisho,

Mid kamid ah shirarka ayaa waxa looga hadlayay amaanka guud ee Soomaaliya ayaa waxa ka wada qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud, Ra’isal wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti.

Kulanka ayaa lagu faaqiday sida lagu xoojin karo goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Kulan kale oo looga hadlayay dib u dhiska iyo taagero siinta ciidamada Qaranka ayaa ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxana ka qeyb galey dowlada Soomaaliya, AMISOM, Qaramada Midoobe iyo dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya.

 

Dowlada ayaa sheegtey iney ciidamada qaranka ay ku jiraan howl adag oo ku doonayaan iney amaanka iyo xasiloonida dib ugu soo celiyaan guud ahaan dalka, iyagoona xusay iney mudan yihiin in la taagero.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo hadlay ayaa sheegay in looga hadlay sidii ay mushaar joogto ah u heli lahaayeen ciidamada dowladda, ururinta iyo isku dubbaridka xogta ciidamada sida diiwaangelinta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo sidoo kale la kulmey safiirka dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya u fadhiya waxa uu u sheegay iney ka codsadeen sidii cuna-qabateenka hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo taagero ka helaya ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ayaa gobo badan ka qabsaday maleshiyaadka Al Shabaab tan iyo dhex bartamihii sanadkii hore.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: