read more »">
Calendar

Madaxweynaha oo maanta ka qaybgalay shir madaxeedka midowga Afrika ee ka furmay Addisababa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo sabti ah ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ah mid aan caadi aheyn ayaa Madaxda Midowga Afrika waxay kaga arinsan doonaan arrinta ku aadan Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC, kaasoo dowladaha Afrika doonayaan inay xiriirka u jaraan.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wahliya Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf H. Adam iyo Wasiirka Gaashandhiga Abdihakim Faqi iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Adam oo ka qeyb gashay shirkii Wasiirada Arrimaha dibada Midowga Afrika ayaa diiradda lagu saaray sidii ICC aysan u noqon laheyn maxkamad Afrika oo kaliya wax ka qabata, iyadoo Wasiiradu ay tilmaameen in caddaaladu ay noqoto mid loo wada siman yahay oo dhammaan dadka eedaha loo wada heysto ay intooda badan yihiin Afrikan oo weliba Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisaba ay dacwadoodu socoto.

Madaxda Midowga Afrika ayaa la filayaa inay maanta soo saaraan go’aan wada jir ah oo ay ka qaataan arrinta Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC oo lagu eedeeyay in maxkamadooda ku siman tahay kaliya Hogaamiyeyaasha Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulamo gaar gaar ah la qaadan doona Madaxda Afrika, waxaana uu kulanka ugu horeeya uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: