Calendar

Wiil uu dhalay danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya oo ku dhaawacmay magaalada Muqdisho

Wiil uu dhalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa maanta duhuradii lagu lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Xalane ee Ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka wiilka ayaa la dhaawacay xilli ay isla socdeen isaga iyo rag dhalinyaro ah oo gaari watay, waxaana ay damceen inay dhigtaan agagaarka Hotel ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Wiilka ayaa lagu magacaabayay Axmed Maxamed Cali, kaasoo magaalada Muqdisho labo bil, iyadoo Danjire Ameeriko oo ka hadlay dhaawiciisa uu sheegay in xaaladiisa wanaagsan tahay

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Hotelka uu ka shakiyay gaariga, dabadeedna uu rasaas ku furay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: