Calendar

***War Deg Deg ah*** Go’aankii R.W. Farmaajo iyo Golaha Wasiiradu ay gaareen

Wasiirada Xukuumada Farmaajo oo la dhaarinayo.

Wasiirada Xukuumada Farmaajo oo la dhaarinayo.

Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee
dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda
Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markii
ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u
muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Maxamed (Farmajo) waxa uu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo
heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala
waxayna go’aamiyeen arrimahan:

1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana
waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.
2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada
kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha
Baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inay
aqbalaan go’aanka Baarlamaanka.
3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in
muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si
Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in
ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan
Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
- DHAMAAD -
Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : First Look, Wararka Maanta.
« »

Comment: