Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo jooga Adis Ababa

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa jooga magalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uga qeyb galayaan shirka ay yeelanayaan madaxda wadamada ku midoobey ururka IGAD.

Afhayeenka madaxtooyadda Injineer Cabdi Raxmaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha uu khudbadda uu ka jeedin doono shirka madaxda IGAD uu uga hadli doono arimo badan oo xaaladda Soomaaliya, isagoona xusay inuu si gaar ah uga hadli doono shirka 7-da bishan ka dhici doono magaladda London oo arimaha Soomaaliya looga hadli doono.

Shalayto ayaa waxa ku kulmey magaladda Adis Ababa wasiiradda arimaha dibadda urur goboleedka IGAD oo ka hadlay ajandayaasha shirka uu yeelan doono oo ku jiri doono xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo arimaha labadda Sudan.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: