read more »">
Calendar

Taliyaal cuusb oo loo magacaabay Booliska iyo Nabad-sugida Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa taliyaal cuusb u magacaawday taliska ciidamadda booliska iyo hay’adda nabad-sugidda Soomaaliyeed.

Shir ay yeesheen golaha wasiiradda ayay ku meel mariyeen labadda salkaal ee xilka cusub loo magacaabay, iyadoona taliyaha booliska loo magacaabay Jeneral C/kariim Daahir Saacid, halka hay’adda nabad sugidda loo magacaabay Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac.

Jeneral C/kariim Daahir Saacid ayaa hadda waxa uu ahaa taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliyeed, isagoona xilli dheer kamid ah ciidamadda qaranka, isagoona dibadda ku noolay mudadii dagaaladda sokeeye ka hor intii uusan dib ugu soo laaban shaqadiisa booliska markii la dhisay dowladdii federalka KMG.

Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hadda waxa uu ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha bulshadda, waxa kale uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka, isagoona muddo dheer kamid ahaa ciidamadda qaranka, dalkane kusoo laabtey markii la dhisay dowladii KMG.

Magacaabista labaddan sarkaal ayaa si weyn u helay soo dhaweyn dhinaca siyaasadda, saraakiisha iyo dadweynahaba maadama ay yihiin shaqsiyaad muddo badan ka soo shaqeynayay dhanka ciidamadda, khibrad wanaagsane u leh howsha loo magacaabay.

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: