Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya dhigiisa Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa imanaya magalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo kula kulmi dooni dhigiisa.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa looga hadli doona arimo badan oo ku jiraan xiriirka labada dal sida uu sheegay safiirka SOomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko.

Kenya waxa ay ciidamo ka joogan koofurta Soomaaliya kuwaas oo kamid ah howl-galka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ku jira wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowzia Xaaji Aadan, wasiir dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdul Qaadir iyo xubno kale.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: