Calendar

Mareykan-ka:- Si xoogan ayaa u taagereynaa nabad galyada iyo midnimadda Soomaaliya

Kaaliyaha dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha arimaha dibadda Mareykan-ka ayaa magalada Washington waxa ay kulan kula qaadatey madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka Wendy Sherman iyo Axmed Maxamed Silaanyo waxa looga wada hadlay arimaha amaanka, dimoqraadiyadda iyo dowladnimadda, iyadoona si gaar ah uga wada hadleen sidii looga hortagi lahaa kooxda Al Shabaab.

Qoraal rasmi ah oo lasoo dhigey barta Internet-ka ee wasaaradda arimaha dibadda Mareykan-ka ayaa lagu sheegay “Mareykan-ka waxa ay u cadeynaa sida uu taageradda ugu hayo sii socoshada wada hadaladda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, anagoo si xoogan u taagereno nabad galyada iyo midnimadda Soomaaliya”.

Dowladda Mareykan-ka ayaa dhawaan dib usoo celisay xiriirka rasmiga ee kala dhaxeeyay dowladda SOomaaliya markii la doortey dowlad cusub uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona hadalkaan uu muujinayo in Mareykan-ka ay isbadal ku sameynayaan siyaasadii hore ee kula dhaqmayeen Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafey oo colaadaha ay ka jireen.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: