Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo maa nta dib ugu celiyay Barlaamaanka Go`aankii Muddo kordhinta.

(Muqdisho, Soomaaliya – Febraayo 6, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo tixraacaya Axdiga kmg ah, iyo Dastuurkii 1960kii. Madaxwynaha oo garwaaqsan in ay masu`uliyad gaar ah ka saarantahay ilaalinta sharciga. Mudane Shariif Sh. Axmed oo tixgelinaya duruufaha adag iyo Xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale ee dalku marayo, loona baahan yahay in la helo muddo kordhin soo martay talaabooyinkii loo baahnaa ee sharciga, qorshena ku dhisan oo lagu dhameeystiri karo howlihii loo igmaday Dowladda KMG.

Ayaa Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday in uu dib ugu celiyio baarlamaanka sharafta leh. Go`aanka mudo kordhinta. Madxweynaha waxuu ka codsaday Barlamaanka inay dib u eegid ku sameeyaan oo eey wax ka bedelaan isaga oo xusay qodobada hoos ku xusan:

1) Dastuur ahaan iyo sharci ahaanba G/Shacabku awood ayuu u leeyahay in uu motion soo jeediyo si aqlabiyad sharci ahna ku ansixyo, hase yeeshee wax ka bedelka Axdiga oo u taagan Dastuur Qaran motion keliya laguma bedeli karo,

2) Waxaa haboonayd in muddo kordhinta lagu saleeyo qorsho howleed ku saabsan gabagabeynta howlaha xilligii KMG ah oo ay soo gudbiso Xukuumaddu, maadaama ay iyadu tahay awooddii fulinta qaranka.

3) Sidoo kalena waxaa loo baahnaa in tixgelintooda la siiyo Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ee daneysa arrimaha Soomaaliya oo walaac iyo welwel siyaasadeed ka muujisay arrintaas oo ah in la kordhiyo muddo ka badan mudadii dib u heshiisiinta Jabuuti ku timid ee ahayd labada sano.

4) Muddo kordhinta ku timid qaabka deg degga ah oo aan laga yeelan wada tashi buuxa soona marin habkii rasmiga ahaa waxay abuuri kartaa xaalado horseeda khilaaf iyo qalalaaso siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo lagu mashquulo, waqti badan oo ummadda wax loogu qaban lahaana ku lumo, ugu danbeyna horseedi karta firaaq siyaasadeed.

5) Haddaba, si loogu dhaqmo Axadiga kmg ah iyo Dastuurkii 1960kii, iyo shuruucda kale ee khuseeya ka gudbidda marxaladda kala guurka ah, loogana fogaado khilaaf iyo qalalaaso siyaasaded iyo mid maamulba,

Sidaas darteed, Madaxweyne Shariif wuxuu dib ugu celiyay G/Shacabka Go`aankoodii la xiriiray mudda kordhinta Baarlamaanka, wuxuuna codsanayaa in dib u eegid baarlamaanku ku sameeyo go`aankaas lana tixgeliyo sababaha aan kor ku soo sheegnay, oo lagu saleeyo muddo kordhintaas qorshaha iyo codsiga ay Xukuumaddu la timaado, maadaama ay iyadu tahay Hay`adda qaranka u qaabilsan qorshaynta & fulinta howlaha qaranka, lana soo saaro Go`aan laysla ogol yahay, habkii sharciga loo maray, maan gal ah, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuna ka garaabi karaan, iyadoo mar kasta la raacaayo hannaanka uu tilmaamayo Axdiga FKMG ah iyo Dasuurkii 1960kii oo dhamaystir u ah Axdiga.


Malik Abdalla
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: