Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya “Wan canbareynayaa rabshadaha Nairobi”

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa si weyn u canbaareyay rabshadaha ka taagan magalada Nairobi, gaar ahaan xafada ay Soomaalida sida wayn u dagto ee Islii.

Warsaxafadeed kazoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh u tacsiyey dadkii lagu diley falalkii argagixisnimada ee lagu beegsaday dad aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa afka ku adkeeyay in weeraradan argagixiso aysan wax dhibaato u geysanayn xiriirka labada wadan ka dhexeeya.

Dowlada Kenya ayaa weeraradan uga shakisan iney ka danbeeyaan kooxda Al Shabaab iyo dad taagersan iyadoona ilaa hada aysen jirin cid sheekatey masuuliyada weerarada ka dhacaya guud ahaan wadanka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kenya u xaqiijiyey in dowladiisa iyo dadka Soomaalida ay garab taagan yihiin xilliga adag ee wadankooda uu ku jiro

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: