read more »">

Calendar

40-guurada Af-Soomaaliga oo la xusay (PHOTOS)

Xaflad lagu xusayay sanad guurada 40-aad ee qorista Af Soomaaliga ayaa lagu qabtey magalada Nairobi oo soo qaban qabiyey dhalinyarada ku bahowday SYDC.

Xaflada ayaa waxa kazoo qeyb galeen dad wax badan ka ogaa heerarkii ay soo martey qoristii AF Soomaaliga iyo sidii dadka lagu soo barey oo uga sheekayay dhalinyaradii kazoo qeyb gashey.

Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ oo kamid ah suugaan yahanada Soomaalida sida wayn u taqaan ayaa si faahfaahsan uga sheekayay heerarkii ay soo martey qorista Af Soomaaliga uu sheegay in marxalado kala duwan ay jireen oo la donayay in lagu qoro.

“Ururkii SYL ayaa markii la aas-aasay waxa mabadiidisa ugu waawayn kamid ahaa in la qoro Af Soomaaliga, markii ay dowladnimadii qabsadeena, ma aysen ku guuleysan iney qoraan, carqalado badan oo jirey awgeed” Ayuu yiri Idaajaa.

“Markii ay Militariga ay qabsadeen dalka, waxa ay iskugu yeereen dadkii isku dayi jirey iney qoraan AF Soomaaliga oo u direen iney soo qoraan” Ayuu raaciyey idaajaa “Waxana aragtey sanadkii 1972-kii iyadoo diyaarada ay circa nooga soo daadinayaan buugaag ku qoran tahay luqada Soomaaliga ee hada qorno”

Daawo Sawirada Xaflada

[slidepress gallery='40-guurada-af-soomaaliga-oo-la-xusay-photos']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Photos.
« »

Comment: