Calendar

Madaxweyne Shariif iyo Hillary Clinton oo si wada jir ah Eritrea ugu Eedeeyay faragalin xoogan ay ku hayso Arimaha Soomaaliya.

helry and sharif 1Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka oo shirjaraa’id oo wada jir ah ku qabtay magaalada Nairobi ayaa waxa ay ku faah-faahiyeen kulankii ay ku yeeshaan Magaaladaasi.

Labada Masuul Ee Dowlada Soomaaliya iyo Maraykanka kala matalayay ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha xagga ammaanka iyo teereera xagga Militariga uu Maraykanku siiyo Soomaaliya iyagoo si wada jir ah Eedeeyn ugu jeediyay Dowlada wadanka Eritrea .

Mrs.Hilary Clinton ayaa ku Tilmaamtay Dowlada Eritrea mid aan u tureynin shacabka soomaalida ah iyadoo sheegtay in Maraykanku uu u jeedinayo digniintii ugu danbaysay dowladaasi haddii aanay joojin faragalinta soomaaliyana ay tallaabo ka qaadayaan.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Kooxaha Islaamiyiinta ay yihiin kuwa aan inta badan diinta xushmaynin balse ay cid waliba oo ka soo horjeesatay ay gaaloobayso sida ay aaminsanyihiin iyagoo taageera ka helaya dowlada Eritrea oo uu sheegay in ay doonayso soomaaliya oo aan dowlad alahayn.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda Fd Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeelanayay Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka mid aad loogu farxo islamarkaana adkeyn u ah xiriirka wanaagsan Ee Labada wadan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: