Calendar

Jabhada ONLF oo Puntland ku Eedeysay in Ethiopia ay u gacan galisay dhalinyaro Soomaali ah.

onlf1Bartamaha (Qalaafe) :-Jabhada Xoraynta dhulka soomaalida Itoobiya ay maamulato ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay dhalinyaro dhawaan Dowlada Goboleedka Puntland ay ku wareejiyeen Ciidamada Itoobiya.

Gudoomiye ku xigeenka Jabhada ONLF C/qaadir Xasan Cadaami ayaa sheegay in saraakiisha sirdoonka Dowlada Goboleedka Puntland ay Ciidamada Itoobiya ku wareejiyeen dhalinyaro ka soo carartay markii hore dhulka soomaalida.

Sargaalkaasi u hadlay Jabhada ONLF ayaa waxa uu ku Eedeeyay Puntl;and in aanay xil iska saarin dhibaatada Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ku hayaan dadka soomaaliyeed eek u nool dhulka ay xooga ku haystaan sida uu sheegay sargaalkaasi.

Masuulkaasi u hadlay Jabhada ayaa waxa kale uu tilmaamay in xabsiyada Puntland ay ku jiraan dhalinyaro soomaaliyeed oo ay ku Eedeeyeen in ay xubin ka yihiin jabhada Xureynta dhulka soomaalida Ee ONLF taasi oo uu sheegay in ay tahay xadgudub balaaran.

Hadalkan ka soo yeeray Sargaalkaasi ka mida hoggaanka sare Ee Jabhada ONLF ayaa waxa uu imaanayaa xilli Saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay dhawaan soo baadi goobeen dhalinyaro ay ku tuhmeen dhibaato ay ka wadeen Ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: