Calendar

Madaxweyne shariif oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaha Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay casho caraf loogu sameeyay magaalada Bahar Daar ee caasimadda gobolka Amharic State dalka Ethiopia, iyadoo madaxweynaha uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaara dalkaasi Males Sanawi .

Casho sharafta madaxweynaha Jamhuuriyadda loogu sameeyay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia ayaa waxaa u sameeyay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Mr. Males Sanawi, iyadoo casha shafarta kaddibna kulan gaar ah ay wada qaateen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaataha Ethiopia.

Kulan madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayeey uga hadleen xaaladda amni iyo xiriirka labada dowladdood ee jaarka ah, waxayna labada masuul ballan qaadeen in la xoojin doonn wada shaqeyta ka dhaxeysa.

Madaxweyne Shariif ayaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya kala hadlay howlgallada ay ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee loo soo gabagabeyn karo.

Ra’iisul wasaaraha itoobiya ayaa soo dhaweeyay guullaha laga gaaray howlgalka Soomaaliya ee Al-Qaacidda lagula dagaallamayo, isagoo ballan qaaday in dowladdiisa ay xoojin doonto taageerrada Soomaaliya ay la garab taagan yihiin.

xig radio muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: