Calendar

Al shabaab oo gacantooda ka baxday degaanka afar irdood ee dhanka bari kaga began magaalada baladweyne ee gobalka hiraan:jun 16 2011

dagalWarar ka ka imaanaya gobalka hiraan ayaa  sheegaya dagalkii maanta ka bilawday deegaano ku Dhawdhaw baladweyne ay gacanta ku dhigeen ciidamada deegaanka oo dagaal xoogan la galay Rurka shabaab .dadka degaanka ee afar irdood ayaa warbaahinta bartamaha u xaqiijiyay  iney Arkeyn dad garaaya ilaa iyo 12 toban ruux oo ka tirsan kooxda shabaab oo dhintay ay halkaas ugu Carareyn iyo dhaawacyo tiro intaas ka badan

Degaanka afar irdood ee dhanka bari kaga began magaalada baladweyne ayaa lugu soo waramayaa In laga saaray  ururka al shabaab isla markaasna sida la xaqiijiyay iney fariisimo ka dhigteyn Degaanka xujuub.

Dagaalka maanta ee ku dhaxmaray degaanka afat irdood al shabaab iyo dadka degaanka oo gacan Ka helaaya ururka ahlu suna ayaa si buuxda ula wareegay degankaas afar irdood waxa uuna qeyb Ka yahay dagaalo la damacsanyahay in dhamaan loga sifeeyo magaalada baladweyne ee gobalka Hiraan waxana magaalada saakay ku waabirisatay dagaalo u dhaxeeyay al shabaab iyo dadka Degaanka oo garab ka helaaya  ahlu suna.

Waxaana saraakiisha dagaalkaas horgeceesay inoo xaqiijiyeen iney qasaaro xoogan garsiyeen Ururka al shabaab balse ma cada qasaaraha dhabta ah ay soogaaray labada dhinac marka laga Reebo sheegashada dadka degaanka .wexeyna saraakisha qireyn inay ka weyrareyn dhoor jiho

Saraakiisha ayaa sidoo kale cadeeyay iney dagalka ay lagaleen al shabaab oo ahaa mid qorsheesan Ayna magaalada la wareegayn dadka degaanka si buuxda iyagoo sheegay inay dagalka uu sii Socondoono ilaa laga ciribtiro gobalka hiraan oo idil.

Dagaalkaan maanta ka dhacay degaanka afarirdood ayaa si buxda ula wareegay dadka degaanka Oo garabsanaaya ururka ahlu suna oo halkaas qasaaro ugu geestay al shabaab inkastoo qasaaraha Aan la soo koobi Karin ayaa hadane dadka degaanka ay xaqiijiyeen inay ka diley al shabaab ilaa Iyo 12 ruux halka qasaaraha dhinacooda ku sheegay ilaa 5 ruux oo dhaawac.

 

Xafiiska bartamaha:muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« Previous Post »

Comment: