Calendar

Masuul katirsan dowladda oo sheegay in arinta Kismaayo ay tahay caqabad laga soo gudbay

Xildhibaan Jaamac Maxamed Maxamuud oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii Dowladda Soomaaliya ay la gashay maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka inay wanaagsan tahay in Dowladda Soomaaliya ay dedejiso arimaha Magaalada Kismaayo,maadaama muddo sanad ah ay soo jiitamayeen arimaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

“Caqabada Kismaayo intii ay jirtay Dowladda Soomaaliya inta badan iyada ayeey kulumisay oo xitaa amnigii ayaa qal-qalgalay intii lagu mashquulsanaa arimaha Kismaayo,kol hadii ay iska dhameysay Dowladda arimaha Kismaayo waa guul”Ayuu yiri Xildhibaan Jaamac Maxamed.

Beelaha daga Gobalada Jubbooyinka ee wax tabanaya ayaa wuxuu ugu baaqay inay yimaadaan shirka Dowladda Soomaaliya ay ku baaqday,kaasi oo lagu xalinayo dhamaan wax tirsiimada beelaha daga Jubbooyinka.

Markii Dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay maamulka Jubba durba waxaa soo baxay dhaliilo kala duwan oo ka imaanaye qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo qeyb ahaan ka daga Jubbooyinka kuwaasi oo Dowladda ku dhaliilaye in heshiiska ay la gashay Maamulka Jubba uu yahay mid qaldan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: