Calendar

Taliska taraafikada dowladda oo ku guuleystay furitaanka wadada gasho Airport-ka

Taliska ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa ku guuleestay furitaanka wadadada gasha Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dhagxaan iyo biro waaweyn lagu gooyay.

Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada Cali Xersi Barre Cali Gaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qalad tahay in wadada laamiga dhexdeeda oo Bartamaha Magaalada ah laga taago biro waaweyn oo dadka lagu kala xanibo.

Cali Gaab ayaa sheegay in biraha lagu xiray wadada dhamaan ay ka qaadeen dhagxaanta weli yaalana maanta ay ka qaadayaan wadada,si gaadiidka galaya Garoonka si wanaagsan oo dhibaato la’aan ah ay umaraan.

Gaadiidka ka yimaado dhanka Airportka Muqdisho ayuu sheegay inay aadi doonaan dhanka wadada jaayga ah ee Afisiyooni si wadada aysan mashquul unoqon oo gaadiidka ay ukala nafisaan.

Wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho toosna ugasha Garoonka Muqdisho ayaa tan iyo markii Xarunta UNDP ee ku taala wadadaasi qaraxyo laga fuliyay ay noqotay mid caqabad ku ah maritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: