Calendar

Maxaa sababay is badalka ka dhacay dalka Tunisia?

Zine El Abidine Ben Ali

Zine El Abidine Ben Ali

Is badalka dalka Tunisia ka dhacay ayaa ka biloowday kadib markii Mohamed Bouazizi oo ah wiil reer Tunisia ah kana baxay Jaamacad ay ku dhacday shaqo la’aan ku kaliftay in uu Qudaar ku iibiyo wadooyinka Magaaladda Sidi Bouzid oo ah magaalo ku taal Bartamaha dalka Tunusia balse December, 2010 ayay Boolis-ka dalka Tunisia oo wiilkan ku eedeenaya in uusan heesan Sharci u ogalaanaya in uu Qudaar ku iibiyo wadooyinka kadibna ay alaabtii uu ku ganacsan jiray ay la tageen Boolis-ka.
Mohamed Bouaziz ayaa xarunta Dowladda hoose ee Magaaladda Sidi Bouzid cabasho u gudbiyay una sheegay in Qalabkii uu ku shaqeeysan in Booliska ay dhibaato u geestay balse nasiib daro markii Boolis-ka ay wax u qaban waayeen ayuu Mohamed Bouazizi oo aad u careesan go’aansaday in uu dunida isaga tago iyadoo albaabka hore ee Xarunta dowladda hoose ee Magaaladda Sidi Bouzid inta istaagay uu dab is qabadsiiyay taas oo sababtay in horaantii bishan January 4, 2011 uu dhaawicii dabkaas ka soo gaaray u geeriyooday. Kadib maxaa dhacay?
Kacdoon Shacab!
Mohamed Bouazizi maalintii uu dabka isku qabtay lana dhigay Hospital ku yaala magaaladda Sidi Bounzi banaanbixii biloowday ayaa socday ilaa uu Madaxwaynihii hore ee Tunisia Zine El Abidine Ben Ali ka isaga tago dalka Tunisia oo uu madaxwaynaha ka ahaa 23-kii ee la soo dhaafay.
Banaanbaxyadan ayaa ka biloowday magaaladda Sidi Bouzid oo ahaa deegaanka uu ka yimid Mohamed Bouazizi balse banaanbixii ayaa isku badalay kacdoon shacab, Banaanbaxa ayaa sababay dhimasho iyo dhawaac.
“Waan kuu aari doonaa, Waanu kuu barooranay kuna Dhimashadaada ku danbeeyayne way barooran doonaan” ayuu yiri mid ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, sida cadna is badalka ay dadkwaynaha raadinayeen wuu dhacay.
Intii ay socdeen banaanbaxyadan dowladda Tunisia waxa ay xabsiga u taxaabtay dad badan oo isugu jira, Wariyaal iyo shaqsiyaad u olaleeya xoriyada hadalka.
Dhaqaalo xumo,Musuq-maasuq iyo Shaqo la’aan.

Dalka Tunisia waa dal ku yaala Waqooyiga Qaaradda Africa kana tirsan dalalka la isku yiraahdo Maqrib Al-Carabi oo ay ku jiraan Morocco, Algeria, Mauritania iyo dalka Libya iyadoo shacabka dalka Tunisia ku nool dad lagu qiyaaso 10 Million oo qofood waana shacab 100% Islaam ah.

Mohamed Bouazizi

Mohamed Bouazizi

Dalka Tunisia waxaa ka jira sicir barar gaaraya 4.5% arrintaas oo timid kadib markii dhaqaalaha dalka Tunisia uu sanad walba kor u kaco 5% taas oo sababtay in Dhaqaalo xumo iyo nolal adag ay shacabka reer Tunisia soo daristay gaar ahaan dhalinyaradda.
Dalka Tunisia waxa ka jiro Musuq-maasuq xoogan oo keenay oo shaqo la’aantu gaarto 3.4% iyadoo kala bar ardayda jaamacadaha ka soo baxa aysan helin shaqooyin wanagsan, ugu yaraan 100,000 Boqol kun arday ayaa sanad walba Jaamacadaha iyo Collage-yada dalka Malaysia ka soo aflaxa.
Wax soo saarka Beeraha iyo Dalxiis-ka ayaa noqday meelaha ugu badna ee dhaqaalaha uu ka soo galo dalka Tunisia.
Dalalka France, Italy, Germany iyo Liibya ayay u dowladda Tunisia la leedahay xiriir dhaqaale iyadoo Tunisia ay soo saarto Shidaal, Sokor, qalabka caafimaadka, Qalabka Dhismaha, Qalabka Beeraha iyo dhar intaba.
Intaas waxaa u sii dheer Dhibaatooyinka ay shacabka Dowladda ku qabteen in shacabka Tunisia aysan fikirkooda cabiri Karin iyo in xuquuqda shacabka aysan ilaalin.
Saameenta ay arrintan ku yeelan karto Dalalka Carabta, kuwa Dariska iyo Afrika.?


Is badalka ka dhacay dalka Tunisia ayaan shaki ku jirin in kuu saameen ku yeelan doono guud ahaan caalamka gaar ahaan dalalka Afrikaanka iyo Carabta oo ay ka taliyaan Madax iyo Boqoro waqti badan madax ka ah dalalka ay ka taliyaan.
Dalalka laga cabsiqabo in ay arrintan saameen ku yeelan doonto waxaa ka mid ah, Masar Ethiopia,Liibiya, Bahrain, Zimbabwe, Uganda iyo dalal kalle oo carbeed oo dhamaantood ay ka taliyaan hogaamiyaal aan dadka ay madaxda u yihiin wax badan u qaban shacabkooda inta badana ka shaqeeya danaha reer galbeedka inkastoo dalalka reer galbeedka ay ka cabsi qabaan in ururuka Al-Qa’ida uu xoog ku yeesho dalka Tunisia kadib is badalka ka dhacay dalkaasi.
Inkastoo is badal-ka hadda ugu weyn uu ka dhacay dalka Tunisia uu yahay Madaxwaynihii oo dalka isaga tagay balse wali waxaa hogaanka dalka haya Kooxdii uu Madaxwanaha u ahaa inkastoo aanan la aqoon sida ay wax noqon doonaan Mustaqbalka balse dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa walaac ka muujiyay iyadoo dalalka Waqooyiga Qaaradda Afrika ku yaal ay dagaal kula jiraa Kooxda Al’Qa’ida oo dooneeysa in ay xarun ka sameesto dalalka Morocco, Tunisia ama Algeria.

Is badalkan Soomaaliya maka dhici doonaa?

Qof walba oo Soomaali ah oo aqriyay ama la socda waxa ka dhacay dalka Tunisia waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaya isbadalkan oo kalle maka dhici karaa dalka Soomaaliya?, balse jawaabtu way sahlantahay oo waa maya?, sabab?.
Dalka Soomaaliya iyo dalka Tunisia waa labo dal oo aad u kala duwan, shacabka Soomaalida waa shacab Hoogaan Dowladeed aanan heesan balse waa suuragal in uu Kacdoon shacab dhaco sidii dhacday 2006 markii Maxaakimta ay soo ifbaxeen balse nasiib daro fursadaas lagama faa’iideesan.

Rabshadihii ka dhacay dalka Tunisia

Rabshadihii ka dhacay dalka Tunisia

Dalalka Tunisia iyo Soomaaliya wax badan ayay ku kala duwanyihiin inkastoo Soomaalida dhinac walbo aan ka liidano.
Aniga waxaan hubaa in isbadalka Tunisia ka dhacay in Soomaaliya uusan xilligan iyo markan ka soo dhaween oo Soomaalida waa dad aanan taarikhda iyo waxa daafaha duniga ka socda aanan ku cibro qaadan. Kuwii shalay wada joogay ayaa maanta Diin iyo aduun isku heesto.
Ugu danbeyntii waxaan hanbalyo u dirayaa shacabka dalka Tunisia oo baal cusub u furay dunida intee kalle.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
[email protected]
Selengor, Malaysia
Facebook:-Saifudiin abdalle

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: