read more »">
Calendar

Midowga Yurub oo ogolaaday taageerida Ciidamada Dowlada KMG ah .

euBartamaha(Brussels):-Midowga yurub ayaa anisixiyay qorshe khubaro Ciidan loogu dirayo Soomaaliya iyo taageerida dhanka Maaliyada Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Wasiirada arimaha dibadda Wadamada reer yurub ayaa waxa ay  go’aansadeen in taageero khubaro Ciidan la siiyo Dowlada .

Wasiirada ayaa waxa ay isla ogolaadeen in loo diro Soomaliya illaa 100-Sargaal oo ay Dowlada Spain hor kacayso si ay gacan iyo garab u siiyaan Dowlada Soomaaliya oo haatan dagaal kula jirta Mucaaradka Islaamiyiinta.

Bayaan ay soo saareen Wasiirada Arimaha Dibada midowga yurub waxa ay ku sheegeen in ay sii wadayaan taageerida ay siinayaan Dowlada Soomaaliya si looga guulayso Kooxo Islaamiyiin dagaal dalka ka wada.

War soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladaha Spain iyo France iney ku deeqayaan ciidan qeyb ka noqon doona guutada waxaana sidoo kale la filayaa in iyaguna soo raacaan dowladaha Britain, Slovenia, Greece iyo Hungary oo iyana Ciidan siinaya Dowlada Soomaaliya.

Dagaalada soomaaliya oo haatan weji Siyaasadeed iyo mid diineed labadaba leh waxa uu sababay in dad badan ayku la’daan dagaalka ay isaga soo horjeedaan labada dhinac ee Soomaaliya isku haya xiligan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: