Calendar

Mu’tamarka Islaamka oo si diiran u soo dhaweeyay Heshiiskii Ahlu sunnah iyo Dowlada.

astaanta_dowladdaBartamaha(Jidda):-Ururka Mu’tamarka Islaamka ayaa soo dhaweeyay Kulankii ay ku heshiiyeen Dowlada KMG ah iyo Culimada Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca oo dhawaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Xoghayaha guud ee Ururka Mu’tamarka Islaamka Pro. Akmaludiin Ixsaan Oogle oo soo saaray bayaan uu ku taageerayo heshiiskii Dowlada iyo Ahlu sunnah ayaa sheegay in uu ahaa Guul u soo hoyatay Nabada Soomaaliya.

Akmaludiin Oogle ayaa sheegay in talaab hormar leh ay ku dhaqaaqday Dowlada Soomaaliya ka dib heshiiska ay la gashay Ahlu Sunnah Wal Jamaaca islamarkaana ay Caalamka taageereen.

Pro.Akmaludiin Ixsaan Xoghayaha guud ee Ururka Mu’tamarka Islaamka waxa uu intaasi ku daray in Arimaha Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal isagoo ka dalbaday Mucaaradka in ay dowlada la hadlaan.

Pro.Akmaludiin waxa uu sheegay in Mu’yamarka Islaamka ay wax walba ku bixinayaan xal loo helo dagaalada soomaaliya ka sii socanaya oo ay ku la’anayaan shacab maata ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: