Calendar

Ciidamo Ethiopian ah oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay Gudaha Gobolka Hiiraan.

ethiopia_army_Bartamaha(Kala-Bayr):-Ciidamo Ethiopian ah ayaa dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabay Deegaanka Kala-Bayr halkaasi oo ay soo gaareen iyagoo wata Dabaabaadka Dagaalka.

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Kala-Bayr ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo xoogan oo Ethiopian ah ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen Kala-Bayr oo ay soo gaareen iyagoo galbinayay Ciidamo badan oo Soomaali ah kuwaasi oo tababar soo dhamaystay.

Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxa ay markii ugu horaysay Gudaha Hiiraan la soo galeen Taangiyada Dagaalka oo aragtidooda dadka Hiiraan ay ugu dambaysay markii ay Ciidanka Ethiopia daganaayeen Baladweyne iyo Magaalada Muqdisho.

Gobolka Hiiraan waxaa dhawaanahan ku soo noqnoqday dagaal u dhexeeyay Islaamiyiinta iyo Xoogaga Dowlada KMG ah iyo Ahlu sunnah oo is garabsanayay waxaana laga baqanayaa in xiligan Ciidamada Ethiopia ay u yimaadeen caawinta Ciidamadaasi Dowlada ka socda.

Dhaqdhaqaaqa ay Ciidamadan wadaan waxaa laga baqanayaa in uu ka soo gudbo Deegaanka Kala-Bayr maadaama ay Ciidamadaasi Ethiopianka ah la socdaan Askar badan oo Soomaali ah kuwaasi oo tababaro kusoo qaatay gudaha Dalka Ethiopia.

Wixii faah-faahin ah ee ka soo baxa Ciidamada soo gaaray Hiiraan iyo dhaqdhaqaaqa ay wadaan halka uu ku wajahanyahay www.Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaan Haddii Alle Idmo.

Xafiiska Warark Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: