Calendar

Musharaxa Cumar Salaad Cilmi oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Musharaxa ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xildhibaano, Saraakiil, Oday dhaqameedyo iyo Haween fara badan oo kor u sida Calanka Dalkeenna Soomaaliya iyo Caleemo qoyan.

Siyaasiga Cumar Salaad Cilmi ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey waxayaaba ku dhaliyey inuu xilligan xilka Madaxtinimo ee Dalka isku soo taago, wuxuu sheegay in mar haddii da’diisii ay horay u badatay, dalkiina hagaagi la’yahay uu isyiri inta hartay wax ka qabo oo dalkaagii hooyo ku dhinto.

Wuxuu hadalkiisa intaa raaciyey mar haddii uu siyaasadda Dalka Cagaha lasoo galay taa macneheedu uusan ahayn inuu kursi doonayo, balse wuxuu sheegay inuu noqdo qowsaar sida uu hadalka u dhigay wuxuu xusay in aysan dadku isku mid ahayn dadka qaarna ay jecel yihiin inay kursiga lacag iyo maal ku aruursadaan nina inuu daacadnimo ugu fadhiyo oo dadka iyo dalka wax ugu qabto.

Xildhibaan Amiin Faarax Jeesow oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa wuxuu ka dhawaajiyey inuu rumeysan yahay haddii uu ku guuleysto doorashada soo socda Cumar uu wax ka badali karayo xaalka wadanka Soomaaliya.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: