Calendar

Nabadoon Caan ah oo Kismaayo lagu dilay

wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay Magaaladaasi ku dileen Nabadoon caan ka ahaa Magaalada.

Raga hubaysan ee dilka geystay ayaan la ogeyn cida ay yihiin iyo halka ay ka tirsan yihiin,waxaana dilka Nabadoonka uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Gamadiid Nuur wuxuuna kamid ahaa Odayaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa sameeyay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayo laguna baadigoobayo ragii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: