read more »">
Calendar

Ururka Midowga yurub oo Rajo Ka qaba shirka arimaha Soomaaliya ay kadhacayo Brassels

Shirkaan ayaa wasxaa kasoo qeyb-gili doonno hey’adaha deeq bixiyayaasha Caalamka iyo Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayadooba lagu kala saxiixan doonno maalinta isniinta ah qorshe muddo saddex sano ah kaasi oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya sid ay qortay wakaalada wararka ee Reuters . Shirka ayaa waxaa Jajjo weyn ka muujiray midowga Yurub in qorshaha taageerada dhaqaalaha Somalia uu gaaro inka badan hal bilyan oo Yuuro oo wax loogu qabanayo dalka Soomaaliya.

Shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxyaabaha sida aadka looga hadli doono waxaa kamid ah arimaha dhanka ammaanka dalka dagaalada ay ka taagnaayeen tan iyo waxii ka dambeeyay 1991.

Nick Westcott, oo ah diblu maasi sare oo katirsan midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Isniinta ee arimaha Somalia uu yahay mid wax weyn ka tari kara dib u dhiska siyaasada dalka Somalia.

“Waxaan bilownay inaan eegno 20 sano kadib qilaafaadkii Soomaliya oo sii dhamaanaya annagana si wadajir ah ayaan u garab qabanaynaa”ayuu yiri diblumaasigaasi dhanka Africa u qaabilsan Midoga Yurub.

Shirka ka dhacaya dalka Belguim ayaa waxaa ka qeyb galaya ku dhawaad 50 wafuud heer caalami ah oo ay ku jiraan dalalka Africa Mareykanka, Japan, Shiinaha, wadamada carabta qaar iyo waddamada ku bahoobay midowga yurub.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: