Calendar

New York: $1.88 Billion oo Abaaraha loogu Yaboohay.

UN+Headquaters+in+NY

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa maalintii shalay ka dhacay   shir gaar ah oo caalami ah oo looga hadlayo abaaraha geeska Afrika iyo waliba sida wax looga qaban karo.

Shirkan waxaa ka qeybgalay wasiirro ka socda in kabadan 50 waddan iyo qaar ka tirsan madaxda geeska Afrika.

Madaxa Bangiga Adduunka Bob Zoellick oo shirkaasi khudbad dhinaca Video-ga ka jeediyay ayaa sheegay in bangigu kordhiyay taageeradda uu bixinayo oo haatan yaboohayo 1.88 billion oo dollar oo ay ku jirto 500 malyuun oo dollar oo uu bangiga horey ugu talagalay gurmadka deg-dega ah ee geeska Afrika.

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay Ban-ki moon oo shirkaasi isagu furay ayaa sheegay in dhibaatada abaaraha ee Geeska Afrika ay sii qoto dheeraanayso maalin-maalinta ka danbeysay.

Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in Somalia aysan waligeed xor ka noqonayn halista macluusha ilaa laga helo nabad iyo xasilooni ka dhalata dalkaasi.

Xogyahah guud ee QM wuxuu sheegay in dad badan la bad-baadin karo haddii hay’adda gar-gaarka iyo QM loo ogolaado inay si xor ah u tagaan goobaha al-Shabaab ay maamusho si gar-gaarka loo gaarsiiyo.

Ban ki-Moon wuxuu sheegay in inkastoo QM iyo hay’addahu ay gar-gaar siinayaa in kabadan hal malyuun oo qof laakiin aysan taasi  wali ku filnayn, wuxuuna ku baaqay in sannadkan  loo baahan yahay qiyaastii 700 malyuun oo dollar, halka sannadka danbenaa loo baahnaan doono lacag intaas ka badan.

xigasho idaacadda V O A laanta Af somali .

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: