Calendar

Dowlada Talyaaniga oo sheegay inay safaaradoodii dib uga furanayaan Somaliya.

taliya

Dowlada talyaaniga ayaa lagu wadaa inay safaarada ay ku leedahay ka furato magaallada Muqdisho,sidaasina waxaa maanta daabacday wakaalada wararka Talyaaniga,kadib markii shir ay wada jir u yeesheen dalalka Uganda,ingiriiska iyo Talyaaniga  isla markaana uu hadal qeybiye ka ahaa Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Wasiirka Arimaha Dibada Talyaaniga Franco Frattini oo ka hadlay kadib kulankaasi  ayuu sheegay in la joogo xiligii dowlada Somaliya la garab siin lahaa,isagoona guul ku tilmaamay ka bixitaankii ay magaallada Muqdishi isaga baxeyn ciidanka Al-Shabaab,taasi oo ah buu yiri guul ay gaartay Dowlada ku meel gaarka ah ee Somaliya.Waxaana uu intaasi raaciyey inay dowlada Talyaaniga iminka dadaal ugu jirto sidii dib loogu furi lahaa safaaradii ay ku lahaayeen Somaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Talyaniga Franco Frattini oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in furitaanka safaaradaasi iyo hindisaha garabsiinta dowlada Somaliya ay muujineyso sida ay dowladiisa diyaar ugu tahay gacan siinta dhismaha dowlad Somaliyeed.

Shirka ay yeesheen Dowladaha aan kor kusoo sheegnay  oo ay soo abaabushay Dowlada Talyaaniga ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa dardargelinta iyo wax u qabashada Dowlada Somaliya taasi oo la daalaa-dhaceysa  soo celintii Amnigii iyo kala danbeyntii Somaliya,isagoo Wasiirka Arimaha dibada Talyaniga uu baaq u diray dhamaan dowladaha beesha caalamka,waxaana uu si gaar ah dowladaha la isku yiraahdo Midowga Yurub ku dhaliilay ka gaabinta iyo taageerida arimaha Somaliya.

Hadalka Wasiirka Arimaha Dibada Talyaniga Franco Franttini ayaa haddii uu meermar noqdo waxa uu qeyb ka noqon doonaa soo jeedinta indhaha beesha caalamka ee ku aadan dalka 20 ka sano la ilaaway ee Somaliya,iyaddoona  dhinaca kale ka dhigeysa inay Dowlada talyaaniga noqon doonta dalkii ugu horeeyey oo Yurub ah oo dib ugu furtay Somaliya safaaradii ay lahaayeen.

Xigasho: wakaalada wararka Talyaaniga (ANSA.it)

WQ: HASHEM CADDE.
Email:   [email protected]


Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: