Calendar

Qarax ciidamada dowladda KMG lagula eegtay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

breaking-news-bartamaha3

Bartamaha (Muqdisho):- Gaari nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen Ciimado ka tirsan Kuwa Dowladda KMG ayaa qarax miino ah laguka eegtay xillig ay marayeen inta u dhaxeeyso Wadada KM 4 iyo Jidka 21 October ee magaaladda muqdisho.
Qaraxaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii saarneyd gaarigaasi iyo dad rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhimada hal qof iyo dhaawaca dad kalle oo ay badan in ay indhahooda ku arkeen kadib marka uu Qaraxaasi dhacay.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo xiray nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka qaadeen gaarigii qaraxu uu haleelay.
Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo dhinaca kalana aysan jirin masuul ka tirsan dowladda KMG oo ka hadlay qaraxaasi.
Inta badan Qaraxyada noocan oo kalle ah ayaa lal beegsada Ciimada Dowladda, Madaxda Dowladda iyo Ciimada Nabad Ilaalinta ee AMISOM waxana ka dhasha Qasaaro soo gaara dadka rayidka ah.

Xafiiska Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Latest Somali News, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: