Calendar

Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo iyo Howlgalo ka socda Magaaladaasi.

gaalkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Qarax qasaara gaystay ayaa Xalay ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo howlaglo ammaanka lagu sugayo ay ka socanayaan.

Inta la ogyahay 6-ruux ayaa dhaawac uu soo gaaray oo 4-ka mida ay ahaayeen Ciidamada ammaanka Magaalada Gaal-Kacyo oo qaraxaasi lagu tuuray kuwaasi oo ku sugnaa goob ay baaritaano ka wadeen fiidinimadii xalay.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalka guud Ee Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyadii dadkaasi soo gaaray oo intooda badan uu ahaa mid culus.

Qaxa xiliga uu dhacay ka dib ayaa Xaalada guud Ee Magaalada isbadal laga dareemay iyadoo Ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgalo balaaran oo illaa saaka ay ka wadeen gudaha Magaalada.

Dad badan ayaa loo qabqabtay qaraxii Xalay Magaalada Gaal-Kacyo ka dhacay iyadoo Ciidamada Booliiska Puntland ay wadaan sugitaanka ammaanka guud Ee Deegaanada ay maamulaan si looga hortago kooxo qas ka bilaabay guud ahaan Magaalooyinka Puntland .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: