Calendar

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed u diray kooxaha ku dagaalamaya Gaalkacyo.WARSAXAAFADEED

Somali Prime Minister H.E. Dr. Abdiweli Mohamed AliMuqdisho (www.Bartamaha.com):- Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa baaq nabadeed goor dhow u jeediyey dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa.

Halkan Hoose Ka Aqri Warsaxaafadeedka.

War-saxaafadeed

Baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Gaalkacyo

 

Muqdisho, Sabti, September 3, 2011——-Ra’iisul Wasaaraha

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli

Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada

ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta

gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa

eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi,

wuxuuna Alle uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, inta dhaawac ahna

bogsiiyo.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli waxa uu ugu baaqay

dhinacyada is haya in wixii dhibaato ah ee jirta ay ku dhameystaan

walaaltinimo iyo isafgarad, wuxuuna ka dalbaday in cid kasta oo

nabadgelyada wax u dhibeysa ay hal meel uga soo wadajeestaan.

 

“Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato daminta colaada

iyo inay gacan ka geysato sidii ay gurmad caafimaad u heli lahaayeen

dhaawacyada dagaalka wax ku noqday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Si gaar ah waxaan doonayaa inaan baaq ugu jeediyo odayaasha,

waxgaradka iyo dhalinyarada degaanadaasi, waxaana leeyahay waa inaad

iska kaashataan ka hortaga cid kasta oo nabadgelyada degaanadaasi wax

u dhimeysa”.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadu ay

diyaarineyso sidii ay halkaasi ugu diri laheyd guddi nabadeed oo gacan ka

geysta xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.

 

-DHAMAAD

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: