read more »">
Calendar

SAWIRO: ISKOOLKII BARTAMAHA SARE

B00Ma ogtahay www.Bartamaha.com in magaciisu uu ka yimid Iskoolkii caanka ahaa ee Dugsiga sare ee Bartamaha?, Mase ogtahay in sababta loo go’aansaday in loo bixiyo magacaas uu ahaa kadib markii aasaasaha shabakadan uu arkay shabakadaha Soomaalida intooda badan inay leeyihiin magacyo magaalooyin kuwaasoo ka turjumaya dadka iska leh webkaas meesha ay kasoo jeedaan.

Haddaba wax badan ayaad timid www.Bartamaha.com laakiin weligiin ma aragteen gudaha Iskoolka Bartamaha.

Bartamaha ayaa ahaa iskool aad u fac weyn kana mid ahaa Iskoolada magaalada Xamar kuwa ugu caansan uguna qurux badan, Iskoolkan ayaa ku yaalay Bartamaha magaalada Xamar kana soo horjeeday Wasaaraddii waxbarashada, wuxuuna aad ugu dhowaa Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Hotel Jubba iyo bartilmaameedyo caan ku ahaa magaalo madaxda Soomaaliya.

Hoos ka daawada Sawirada aan idiin soo qaadnay. (Dhallintii dhigan jirtay Iskoolkan oo wax badani ay ugu dambaysay waxaan idin leenahay ha murugoonina ee soo xasuusta waagaas waxaad samaynayseen iyo saaxiibadaad ku lahaydeen Iskoolka)

[slidepress gallery='bartamaha']

Comments

comments

Category : First Look, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: