Calendar

Nin Muuqaalka Wajigiisa Iyo Jirkiisa Kuwaaye Shaqo (SAWIRO)

Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Yusuf Xamidi ayaa wax shaqo ah ku salaaxi waayay, taas oo sida uu rumaysan yahay ay ugu wacan tahay, muuqaalo uu wajiga iyo jidhkiisa ku buufistay oo ah kuwo layaab leh, kuwaas oo sida uu tilmaamayo marka la arko laga didayo.

Yusuf Xamiid oo 40-afartan jir ah ayaa sheegay in sanadkii tagay oo kaliya uu dalbaday 450-Nooc oo shaqooyin kala duwan ah, laakiin aanu midna ku guulaysan isaga oo ku doodaya in dhamaan waxa kaliya ee iska hor taagay yihiin, sawirada jidhkiisa gaar ahaan fooda wajigiisa uu ku buufistay ama ku tuntay, kuwaas oo marka ay indhaha ka qaadaan dadka shaqaale doonka ahi ka didaan.

Ninkan ayaa ku cabanaya in la xaq dhowro oo la siiyo shaqo, isaga oo tilmaamay in dhamaan shaqooyinka loogu diidayo sawirada wajigiisa ku yaala, laakiin aanu isagu wakhtigan samayn karayn inuu iska tirtiro, waxaanu wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka ingiriiska u sheegay in shaqo kaliya la siiyay taas oo ah, qashin gure, balse aanu isagu taa doonayan.

Ninkan oo sheegay in isaga oo afar iyo toban jir ah uu isku buufiyay sawiradan ayaa codsanaya in imtixaan laga qaado oo shaqadiisa iyo aqoontiisa la jirabo, laakiin aan loo eegin waxyaabo sawiro ah oo ku yaala jidhkiisa, kuwaas oo ah sida uu mar kasta ku cel celinayay waxa ka hor taagan inuu shaqo helo, oo afar boqol iyo konton shaqo uu ku waayay.

DAAWO SAWIRADDA:-

u_100047d_2013-5-21-5-40-36f_t27

u_100047d_2013-5-21-5-41-31f_tattoo1_1729927a

u_100047d_2013-5-21-5-45-2f_tattoo_m_1729925a

u_100047d_2013-5-21-5-43-7f_tattoo2_1729928a

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, First Look, Hot Now, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: