read more »">
Calendar

Shariif oo Muqdisho soo gaaray iyo Madaafiic shacabka lagu laayay.

shariif shalayBartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa ku soo laabtay gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo madaafiic lagu salaamay ka dib imaansihiisa Caasimada dagaalka ragaadiyay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno la socday ayaa saaka soo gaaray garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyadoo muddo ka dib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Shariif ayaa markii uu Villa Somalia nabad ku tagay waxaa shir uu la yeeshay Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya iyo qaar ka mida Wasiiradii xukumadii is casishay waxaana uu kala tashanayay Magacaabida Ra’iisul Wasaaraha.

Ka dib soo gaaritaanka Muqdisho Madaxweyne Shariif iyo kulanka uu la qaadanayay xildhibaanada iyo wasiiradii hore ayaa waxaa Villa Somalia ku bilaabatay madaafiic culculus oo u muuqanaysay mid lagu salaamayay Shariif.

Muddo yar ka dib ayaa waxaa bilowday madaafiic jawaab ah oo ku socanayay dhulka ay mucaaradka ka taliyaan oo guu dhaan loo qeybiyay Hoobiyayaal iyo Hubka PM-ka loo yaqaano oo ku dhacayay dhulka ay shabaabka maamulaan.

Inta la ogyahay dhowr iyo Labaatan madfac ayaa ku dhacay suuqa bakaaraha iyo dhulka u dhowdhow waxaana halkaasi ku dhamaaday dad maata ah oo dhexdooda madaafiic laga soo tuuray.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray dad saarnaa garai Bas ah oo marayay jidka warshadaha kaasi oo dhammaan dadkii saarnaa ay noqdeen kuwa dhintay iyo qaar dhaawacyo daran ah markii madfac uu ku dul habsaday.

Jidka warshadaha iyo Stadium Muqdisho oo madaafiic badan lagu garaacay ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo gaarayay 7-ruux halka in ka badan 20-ay ku dhaawacmeen duqeyntii jidkaasi.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo fara badan gaadiidka Gurmadka ay ka qaadeen wadada Wadnaha iyo Suuqa Bakaaraha oo dhowr iyo labaatan madfac lagu garaacay maanta iyadoo dad maata ah oo aan waxba galabsan ay ku dhamaadeen.

Inta badan Madaafiicda ayaa waxaa Islaamiyiinta ay la beegsadaan saldhigyada Dowlada iyo kuwa Amisom waxaana jawaabta ka soo baxda saldhigyadaasi ay noqotaa mid dharbaaxsho kulul oo shacabka ku dhacda ah maadaama maalin walba ay dhamaadaan dadka rayidka ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].



Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: