Calendar

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Xad gudub Saxaafadeed sameeyay (Qoraal Ashtako ah).

Mohamed Cali madhoodhe.JPG (1)Warqad furan madaxda Puntland ku Xad-gudub saxaafadeed
oo uu sameeyey  Wasiirka warfaafinta Dowlada puntland

Ku: Madaxweynaha DGS ee Puntland Dr Cabdirahman maxamed Maxamud(Faroole)
Ku: Ku-madaxweynaha DGS ee Puntland Gen Cabdisamad cali shire
Ku: Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Dr cabdirashiid Mohamed Hirsi
Og: Ismada,Nabadoonada,Sharciyaqaanada.Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo dadweynaha reer PUntland

Anigoo ah Maamulaha Joornaalka-Website-ka www.puntland.com ,waxaa halkan warqad furan ugu dirayaa dhamaan madaxda Dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Dr Cabdirahmaan maxamed Maxamud (Faroole) ,taas oo ka dhan ah ku xad-gudub saxaafadeed oo uu sameeyey wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland ee Somaliyeed ,ka dib markii uu saxaafada u sheegay inuu furayo Wargeys ama joornaal Todobaadle(Asbuucle) ah oo la yiraahdo “ Puntland ” , waxayna ku qornaayeen oo uu waysiga siiyey websityada ka soo baxa Puntland qaarkood sida www.puntlandi.com cadadkiisa soo abaxay  Sabti,01-Okt-2010.

Hadaba waxaan ka codsanayaa ama aan u sheegayaa madaxa dowlada Puntland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Dr Cabdirahmaan Faroole in la ilaaliyo Xuquuqda saxaafada iyo mawaadiniinta(qoraaga) reer puntland ee Howl-maalmeedka u haya ummada ,waxaanan halkan ku soo koobayaa qoraalka warqadu xambaarsan tahay.

1. Waxaan Joornaalka-Website-ka www.puntland.com. u haystaa Shati(lecense) caalami ah ilaa 1999 sanadku markuu ahaa, oo dhamaan daafaha aduunka qof walba oo somali ah ama reer Puntland ah oo jooga uu ka akhrisan karo, ayadoo lagu gudo jiro in la sii balariyo oo illaa heer TV iyo Radio (puntland) oo gudaha ka shaqeeya.caalamkana maantana TV-yada ama Idaacadaha ugu waaweyn aduunka baa dad shacab ahi leeyihiin ama ay qaybo ku leeyihiin.

2. Waxaan u sheegayaa madaxda warqadani ku socoto inay jiraa dad neceb ama maleegaya sidii ay u baabi´i lahayd Puntland dhul ahaan iyo dad ahaan intaba , ayadoo loo soo marayo dadka u dhashay iyo dad aan u dhalan labadaba. Tuusale ahaan arrinka wasiirku kala yimid muqdishu(xamar) waxaan u arkaa fikir ay sameeyeen dad cadow ku ah puntland sida  Wasiirka TFG Eng yariisow inta uu Wasiirka iyo saxaafada reer puntland iska horkeenayo maxuu wax uga qaban la´yahay kuwa xamar.

3. Waxaan idiin sheegayaa arinka wasiirka warfaafinta puntland uu sameeyey inuu yahay mid uu ku degdegay ama uusan ka fiirsan ,anigoo sabab uga dhigaya wax la tashi ama daadaal dheeraad ah inuusan samayn ayadoo puntland dadka ka soo jeeda maanta ay yihiin dadka ugu aqoonta ama dhisida badan saxaafada loogu jecel yahay .

4. waxaan madaxda u sheegayaa ama ka codsanayaa in aysan caddaalad daradu agtooda ka soo fulin ,indhahana ku hayaan waxii dhibaato u keenaya dhamaan Ummada reer Puntland dhinac walba ha ahaatee,ayadoo ay Puntland ka jirto sinaan ,cadaalad,xaq-dhow iyo walaaltinimo intaba oo aysan beel gaari isxijin ama dhaxlin magac iyo mansaba wixii puntland dhex yiil sida ku cadayd axdigii lagu dhisay Puntland.

Maamulaha joornaalka -websiteka
www.puntland.com
Mohamed Cali madhoodhe

0049-176-26926900
germany

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: